Somaliland: Farmaajo wuxuu xasilooni daro u horseedayaa gobolka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa ku dhawaaqdey in ay walaac xooggan ka muujineyso xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya si gaar ah ku darsiga labada sano.

Maamulka Hargeysa ayaa madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ku eedeysay "in uu xasilooni darro iyo dagaal sokeeye u horseedayo Soomaaliya iyo Geeska Afrika".

Wasaaradda arrimaha dibada xukuumadda Muusse Biixi Cabdi ayaa shacabka Muqdisho waxay ugu baaqdey inay ilaashadaan xasiloonidooda iyo nabad-gelyadooda.

"Waxaan u soo jeedinaynaa Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in ay sii wadaan xayiraada hubka ee Soomaaliya. Waxaan ka dalbaneynaa in Beesha Caalamka in ay sii laba jibaaraan dedaalada ay ku xaqiijinayaan in Soomaaliya waqtigan hubanti la'aanta aysan ka dhicin talaabooyin kale," ayay ku dartay.

Horaantii asbuucan ayay ahayd markii Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu muddo kordhin laba sano ah u sameeyay maamulka Farmaajo.

Beesha Caalamka ayaa si culus waxay uga hor-timid muddo kordhintaas, waxaana ay ku baaqaan in dib loogu wadaxaajoodyadda isla markaana xal deg-deg ah gaaraan.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa ku goodiyey in ay xayiraadyo socdaal, lacag iyo talaabooyin kale ka qaadayaan dadka curyaaminaya wadahadaladda.

Muddo xileedka dastuuriga ah ee Farmaajo ayaa dhacay 8-dii Febraayo, sanadkan 2021-ka. Baarlamaanka wuxuu waqtiga ka dhamaadey dhankiisa 27-dii December, 2020-kii.

Hoos ka akhriso qoraalka Somaliland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM