Somaliland: Gawaari lagala baxsanayey Hargeysa oo dib loo celiyey

Image

HARGEYSA - Wasiirkii hore ee Cafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed Xaglo-Toosiye ayaa labo gaari ay saaran yihiin xubno ka tirsan qoyskiisa waxaa lagu joojiyey magaalada Burco xilli la sheegey iney ku wajahnaayeen magaalada Buhoodle xarunta gobolka Cayn.

Lama oga sababta gawaaridaas loo joojiyey balse saraakiil ka tirsan dowlada Somaliland oo la hadlay warsidaha GO ayaa sheegey in gawaaridaas oo aheyd labo gaari ( Land cruisers) loola baxsanayey magaalada Buhoodle xilli Wasiirka laga qaadey xilka wasaarada caafimaadka.

Gawaridaas ayaa waxaa saarnaa xaaska Wasiirka iyo xubno kale oo ka tirsan qoyskiisa iyadoo sida aan wararka ku heleyno gadiidkaas lagu xirey saldhig boolisku ku leeyahay magaalada Burco sida uu sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada.

Wasiirkii hore ayaa dhacdadaan kadib saxaafada eedeyn dusha uga tuurey Madaxweynaha cusub ee Somaliland isaga oo ku eedeyey inuu falkaan ka dambeeyey.

Xaglo Toosiye oo 2009 isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland ayaa ahaa gancsade ku nool dalka Mareykanka isagoo ku lahaa goobo lagu xanaaneeyo dadka waaweyn. Saleebaan ayaa markii uu xil ka waayey Puntland u talaabey maamulka Somaliland halkaasoo Madaxweynihii xilka ka dagey 'Siilaanyo' u magcaabey Wasiirka Cafimaadka.

Magaalada Buhoodle ayaa waxaan ka  shaqeyn labada maamul ee Puntland iyo Somaliland iyadoo hay'adaha dowliga ah iska soo horjeedyo siyaasadeed dartood aysan ka howlgalin degaanadaas.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Cayn ee ka shaqeeysta labada maamul ayaa dadka siyaasada Soomaaliya la socda gaar ahaan midda labada maamul waxay aaminsan in xaalada degaankaas ka jirta iyagu ka dambeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM