Somaliland: Guriga wadaad duray heshiiskii Itoobiya oo loo daatay

Image
Sheekh Mustafe Cumar ayaa waxa uu kamid culimada dhalinyarada ah ee magaaladda Hargeysa.

HARGEYSA, Somaliland - Ciidamada maamulka Somaliland ayaa weeraray Sheekh Mustafe Cumar oo kamid culimada dhalinyarada ah ee magaaladda Hargeysa, sidda ay wararku sheegayaan.

Sheekh Mustafe ayaa, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo dadka degaanka, waxa uu ka baxsadey hoygiisa kadib markii uu ka war helay in ay duulaan kusoo yihiin ciidamo hubeysan.

"Wadaadkan waxa loo haysta in uu shacabka ugu baaqay inay kasoo horjeestaan damaca Itoobiya ay ku doonayso qayb kamid ah Badda Soomaaliya," ayuu yiri wariye xog-ogaal ah.

Khudbad uu Jimcihii ka jeediyay masjid Hargeysa ku yaal ayaa ciwaankeedu ahaa "Hiilka aan siinayno baddeena waa cibaado aynu illaahay ugu dhowaanayno..."

Sheikh Mustafe ayaa horey waxa uu uga hadlay kala qaybsanaanta, gooni u goosadka iyo qabyaalada waxaana si weyn loogu xasuusta in uu kasoo horjeestay xasuuqii Laascanood.

Somaliland ayaa waxa ay kula heshiisay Itoobiya in ay muddo 50-sano ah ka kireyso saldhig ciidan badeed. Hase ahaatee, waxaa heshiiskaas baabi'iyey baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM