Somaliland: Kaararka Codbixinta oo Suuqa-madow lagu iibsanayo

Image

HARGEYSA, Somaliland - Dadweynaha xaafada State House-ka ee Magaalada Hargeysa ayaa Maanta ciidanka ku wargeliyay in kaararkii ay ku codayn lahaayeen lagaga bedeshay raashin maalintii shalay.

Ka dib markii shuruud lagaga dhigay in ay keenaan kaararka codbixinta taas bedelkeedana la siin doono raashin ay isticmaalan mudo bil ah.

Dadweynahan oo u badnaa qoysas danyar ah, ayaa sheegay in aanay garanayn ama aanay jirin aqoon hore oo ay u lahaayeen raga watay hawshan, balse ay arkeen in ay ka socdaan xisbi siyaasadeed

Wararkan ayaa maalmahan lagu shaah-cabayay suuqyada, laakiin Maanta ayay noqotay mid dhabowday.

Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ayaa horey isugu eedeeyay in midkastaba iibsanaayo kaararka.

Kaar-iibsiga marka laga soo tago, waxay saddexda xisbi Siyaasadeed ee Somaliland isku eedaynayaan adeegsiga qablaayadda, oo ololaha ku galayaan deegaanada ay tagayaan.

Arrimaha ayaa kusoo beegmaya xilli 13 maalmood ka harsan tahay Doorashada Somaliland, taasi oo ka duwan kuwii hore marka loo eego cabsida jirta ee ku aadan in qalalaase ka dhaco natiijada doorashada. Halkan ka akhri Warbixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM