Somaliland: Muuse Biixi oo la kulmay Cirro [Daawo]

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixii Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa Madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay hogaanka sare ee xisbiga WADDANI.

Kulanka oo ahaa mid is-cafin iyo tarxaanbixin ayaa waxaa ka qeybgalay Madax kale oo katirsan labada Golle ee dowladda oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Muuse Biixi iyo Cirro ayaa isla meel dhigay inay ka gudbaan wixii dhexmaray intaa lagu guda jiray doorashadii Novebmer 13-keeda, islamarkaana ay hadda meel uga soo wada jeestaan danta Somaliland.

Madaxweyne Muuse ayaa ka dalbaday Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI inay la shaqeeyaan Xukuumadiisa cusub, ee dhawaan uu magacaabay taasi oo ka kooban 32 wasiir.

Halkan Hoose ka daawo Kulanka Muuse Biixi iyo Cirro:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM