Somaliland: Muuse Biixi oo la kulmay Cirro [Daawo]

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha cusub ee Somaliland, Muuse Biixii Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa Madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay hogaanka sare ee xisbiga WADDANI.

Kulanka oo ahaa mid is-cafin iyo tarxaanbixin ayaa waxaa ka qeybgalay Madax kale oo katirsan labada Golle ee dowladda oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Muuse Biixi iyo Cirro ayaa isla meel dhigay inay ka gudbaan wixii dhexmaray intaa lagu guda jiray doorashadii Novebmer 13-keeda, islamarkaana ay hadda meel uga soo wada jeestaan danta Somaliland.

Madaxweyne Muuse ayaa ka dalbaday Cirro iyo Xisbigiisa WADDANI inay la shaqeeyaan Xukuumadiisa cusub, ee dhawaan uu magacaabay taasi oo ka kooban 32 wasiir.

Halkan Hoose ka daawo Kulanka Muuse Biixi iyo Cirro:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM