Somaliland: Natiijada Doorashada oo lagu dhawaaqayo

Image
Image

HARGAYSA, Somaliland- Xarunta Guddiga Doorashooyinka Somaliland, waxaa ka socda qaban qaabada xafladda lagu shaacinayo natiijada doorashadii qabsoontay 13-kii bishan, xilli shalay uu qaadacay Xisbiga Wadani.

Lama oga cidda guulaysan doonta, balse waxaa loo badinayaa inuu soo bixi doono hogaamiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi.

Waqtiga shaacinta Natiijada doorashada ayaa ka dib dhacday waqtigii horay loo shaaciyay, waxayna qaadatay muddo 7 maalmood ah in lagu dhawaaqo.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Komishanka Doorashooyinka Somaliland ay wajahayaan eedaymo la xariira in lagu shubtay codadkii islamarkaana goobaha qaybtood ay ka cadoodeeyay dad aan qaan-gaarin.

Balse goor sii horaysay waxaa arrimahaas iska fogeeyay Guddiga oo sheegay in doorashadu u dhacday sidii loogu talo galay.

Natiijadan kuma qanci doono xisbiga Mucaaradka ee horkacyo Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo shalay warbaahinta u sheegay inaysan aqbali doonin maxsuulka doorasho xaaraan ah.

Cirro ayaa intaas ku daray in khaladaadka uu tirsanayo ay ku jiraan xarig lagula kacay mas'uuliyiin katirsan WADDANI, isagoo eedayntaas mas'uuliyadeeda dusha uga tuuray xukuumadda Somaliland.

Dhinaca kale waxaa Hargaysa ku sugan Korjoogto caalami kuwaasoo korka kala socday qaabka ay socotay doorashadii dhacday 13 November, 2017, kuwasoo goor hore tilmaamay inay jireen khaladaad yar yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM