Somaliland oo albaabada u laabtay xafiisyada xarumo warbaahineed

Image

HARGEYSA, Somaliland – Booliska Somaliland ayaa maanta oo Talaada ah ku duulay xafiisyadda labada xarun warbaahineed oo ku yaala magaaladda Hargeysa, sidda ay xaqiijiyeen mulkiileyaasha.

Muuqala-baahiyeyaasha Erayl iyo Horyaal oo kamid ahaa kuwa loogu daawashada badan yahay degaanada maamulka gooni isu taaga ah ayaa nan lagu soo wargelin talaabada xafiisyooda lagu xiray.

Hay’addaha nabad-gelyaddu ayay warbaahinta maxaliga ah kasoo xigatay in sababta albaabada loogu laabey labadaasi Tv ay tahay "in ay ku kaceen falal wax u dhimaya jiritaanka Somaliland".

Balse tafaftireyaasha labadaasi muuqaal-baahiye ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in eedaasi ay tahay waxbo kama jiraan.

"Sababtana noola beegsaday waxay tahay in aan xaqiiqada baahino oo aan dabagalno dal-dalooleedada xukuumada Muuse Biixi," ayay yiraahdeen iyaga oo telafoonka ugu waramaya GO.

Hay'addaha u adooda xuquuqda hadalka iyo tan bini'aadamka ee ka jira degaanada Somaliland oo cambaareeyay falka lagu beegsaday labadaasi talafishin ayaa dalbaday xayiraada laga qaado.

Saxaafada ka jirta maamulka Somaliland ayaa baahineysa in xriritaaka labadaasi xarun war-fidiyeeneed ay bixisay Wasaaradda Warfaafinta si gaar ah wasiirka.

"Fursadaha aad ku muujin karto fekerkaaga way kusoo yaraanayaan Somaliland," ayuu yiri Guuleed Axmed Jaamac, oo ah qareen u dooda arrimaha xuquuql isaanka kuna sugan Hargeysa.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xili xabsiyada Somaliland ay buux-dhaafiyeen shaqsiyaad u xiran eedeymo isugu jira qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshadda iyo kuwa dhaliilay maamulka Muuse Biixi.

Shalay ayay ahayd markii xabsiga laga soo daayey Xildhibaan Dhakool, kaasi oo muddo ka badan bil xabsi ugu jiray in uu kasoo horjeestay maalinta gooni isu taaga Somaliland ee 18-ka May.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM