Somaliland oo amar kusoo rogtay duulimaadka Muqdisho iyo Masaajida

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu soo saarey go'aano la xiriira Coronavirus. Guddiga u diyaar-garowga ka hortaga xanuunkaas ayaana soo saarey.

Ugu horeyn, waxay mamnuuceen muddo aan la cayimin duulimaadyadda ka yimaada Muqdisho xili ay Soomaaliya ku dareen liiska wadamadda uu khatarta ku yahay caabuqaas faafa.

Masaajida ayaa la faray in ay salaada kusoo koobaan muddo 25-daqiiqo ah, sidda ku xusan warqadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online. Kulamada dadweynaha ayaa la joojiyey.

Goobaha waxbarashadda ayaa la amray in albaabada loo laabo muddo afar todobaad ah. Maamuleyaasha waxaa lagu wargeliyey in ay dhaqan-geliyaan awaamiirta loosoo jeediyo.

Biixi ayaa shalay saxaafada u sheegay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono qofkii aan u hogaansamin talooyinka la xiriira ka hortaga faafitaanka caabuqa.

Madaxweynaha ayaa meesha ka saarey in cudurka kaliya uu ku dhaco "gaalada", wuxuuna culimada ku tartarsiiyey in ay ka hadlaan arrintaas.

Ugu dambeyntii, guud ahaan dadweynaha ayaa lagu booriyey in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay ku dedaalaan nadaafada maadaama ay tahay qaabka kaliya ee looga badbaadayo.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM