Somaliland oo Askar looga dilay dagaal ka dhacay Sanaag

Image

CEEL AFWAYN - Ugu yaraan labo Askari oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Somaliland ayaa ku dhintay, Shan kale oo labo kamid ah ay yihiin Shacab dhaawac ayaa kasoo gaarey dagaal ka dhacay degaanka Ceel Afwayn ee gobolka Sanaag.

Dagaalka oo aan la ogayn waxa uu salka ku hayo ayaa wuxuu yimid saacado kadib markii magaalada lagu dhacay Gaari siday Maandooriyaha Khaad, kaasoo kusii jeeday degmada Ceerigaabo ee isla gobolka.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay maqleen Rasaas culus oo ay is-dhaafsanayeen ciidamada Somaliland, iyo Maleeshiyaad u abaabulan qaab Qabiil.

Qof magaciisa kusoo koobay Aw Cismaan oo kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay GO ayaa sheegay in Askarta dhaawac ah, iyo Rayidka loola cararay Isbitaal si looga daaweeyo dhaawacyada soo gaarey.

Faahfaahinada ayaa waxay intaas ay ku darayaan in wali ay magaalada ka jirto xiisad colaadeed, iyadoo dadkay ay sheegayaan inay ka cabsi qabaan inuu qarxo dagaal beeleed, iyadoo dhawaan la xaliyay colaadii halkaasi ka taagnayd.

Wali maamulka Muuse Biixi wax war ah kama uusan soo saarin iska hor-imaadkaan dhex-maray ciidamadda Somaliland iyo maleeyshiyada hubaysan ee ka dhacay Ceel Afwayn.

Ceel Afwayn ayaa waxaa dhawaan dhacayay dagaal  u dhaxeeya labo Beelood, iyadoo maamulka Hargeysa lagu dhaliilay inuu ku fashilmay kala dhex-galka Beelaha walaalaha ah ee dirirtu u dhaxeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM