Somaliland oo diiwaan-gelisay kiisas horleh oo ah xanuunka Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa maanta oo Axad ah shaaca ka qaadey in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay 16 kiisas cusub oo ah xanuunka Covid-19.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in 15 kamid ah bukaanada cusub ay yihiin muwaadiniin, ruuxa kalena uu yahay Itoobiyaan, balse lama sheegin qaabka uu ku qaadey.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, sideed kamid ah bukaanadda cusub waa rag, halka sideeda kalena ay yihiin Dhedig ama Dumar.

Da'da bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: 20jir ilaa 30jir = 7 qof, 30jir ilaa 40jir = 1 qof, 40jir ilaa 50jir = 1 qof, 50jir ilaa 60jir = 5 qof, 60jir ilaa 70jir = 1 qof iyo 80jir ilaa 90jir = 1 qof.

Dhamaan bukaanadda, sidda ku xusan bayaanka Wasaaradda Caafimaadka, waxay joogaan gobolka Maroodi Jeex ama magaalada Hargeysa.

Lama soo warin wax dhimasho ah iyo bukaano cusub oo ka caafimaadey xanuunka, afar iyo labaatankii saac ee lasoo dhaafay.

Wadarta guud ee kiisaska ayaa gaarey 101 xaaladood, geeridu waxay mareysaa sideed, si lamid ah dadka ka bogsadayna waa sideed.

Ugu dambeyntii, wasaaradda ayaa cod dheer ugu waanisay dadweynaha in ay raacaan talooyinka caafimaadka "maadaama cudurka uu si baaxad leh u faafayo, isla markaana saameyntiisa ay sii kordheyso".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM