Somaliland oo eedeysay Villa Soomaaliya kadib celintii Fly Dubai

Image

NEW YORK, US – Somaliland ayaa si rasmi ah durba u xaqiijisay in amarka lagu celiyey duulimaadkii Fly Dubai ee maanta ka degi lahaa garoonka diyaaradaha Hargeysa ay bixisay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Diyaaradda shirkadan laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ka timid Dubai ayaa wadday rakaab. Balse waxay ku laabatay magaaladii ay kasoo duushay kadib markii lagu amray in aysa cago-dhigan karin madaarka.

Xukuumadda Muqdisho ayaa mamnuucdey duulimaadyada caalamiga ah, talaabadaas oo qeyb ka ah ka hortaga fayruska sidda deg-dega ah ku gaarey aduunka oo idil ee Coronavirus.

Maamulka Muuse Biixi Cabdi oo xayiraad noocaas ah soo rogay ayaanan Isu-tagga Imaaraadka ku darin liiska dalalka ay saameyneyso.

Warsame Ducaale, maamulka gooni u goosadka ah u qaabilsan Qaramada Midoobay oo Twitter-ka kaga falceliyey go'aanka lagu celiyey diyaaradda, ayaa wuxuu ku tilmaamay "fal argagixiso".

"Villa Soomaaliya waxay ku dhawaaqdey dagaal ka dhan ah Somaliland. Diyaaradda Fly Dubai waxaa loo sheegay in aysan ka degi karin garoonka diyaaadaha Cigaal ee Hargeysa. Tani waa barta weecashada, waxay hadda tahay fal argagixiso," ayuu yiri wakiilka.

Xili uu u muuqdey mid dalbaya sharaxaad, wuxuu intaas raaciyey: "Argagixisanimadan siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee aan loo meel dayin ayna wado Villa Soomaaliya waa in laga jawaabaa".

Sidda kuwa kale ee caalamka, garoomada diyaaradaha magaalooyinka Soomaaliya ayaa heegan ku jira cabsida COVID—19 awadeed. Saraakiil caafimaad oo baaraya rakaabka diyaaradaha ayaana ku sugan.

Celinta diyaarada Fly Dubai ayaa kusoo aadeysa iyaddoo mar sii horeysay ay labada dhinac u dhex-tiilay xasarad siyaasadeed ku saabsan wadahadalada iyo socdaal la codsaday in uu madaxweyne Farmaajo ku tago Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM