Somaliland oo go'aan cad kasoo saartay barnaamijka Forex

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa gebi ahaanba degaanadiisa wuxuu si rasmi ah kaga mamnuucay barnaamijka sarifka lacagaha ee Forex.

Warqad kasoo baxday Bangiga Dhexe ee Somaliland ayaa lagu sheegay in talaabadan ay ka dambeysay markii ay baaritaan iyo daraasad qoto dheer lagu sameeyay mashruucaas.

Sidda ku xusan qoraalka oo uu arkay Garowe Online, natiijada soo baxday ayaa noqotay "in uu ku xiran yahay shirkado iyo suuqyo aanan haysan ogolaanshiyo sharciyadeed".

Forex, oo bilooyinkii lasoo dhaafay degaanadda Soomaalida aad ugu baahay, ayaa ah mashruuc dadka ay maalgeshi ku sameysanayaan, iyagoo helaya faa'iido 100% ah ama ka badan.

Hoos ka akhriso qoraalka

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM