Somaliland oo hadalo cayriin ah ka sheegtay shirka Laascaanood

Image
Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa dhawaqan uu kasoo yeeray.

HARGEYSA, Somaliland - Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif ayaa markii ugu horeysey ka hadlay xaaladaha ka taagan magaalada Laascaano, balse dulucda hadalkiisa ma ahayn mid mowqif gaar ah ku biyo shubanaya.

Dhinac waxa uu ka sheegay in bulshada reer Sool ay xaq u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaan, dhinaca kalane waxa uu sheegayaa in go’aanada kasoo bixi doona shirka Laascaanood aysan noqon kuwa waxyeeli kara midnimada "Qaranka Somaliland" waa sida uu hadalka u dhigay.

Cabdirisaaq oo dibada kasoo laabtay wararka qaarna ay sheegayaan in uu isku dayay in uu kala furfuro garaadada ku shiraysa Laascaanood, ayaa xusay in uu u tagay madaxweyne Muuse Biixi, kana wadahadleen arrimaha Sool.

"Waxaan madaxweynaha ku bogaadinayaa go’aankii uu qaatay ee ahaa in uu ciidamada banaanka uga soo saaro magaalada, ogolaadana in dadka wada hadlaan," ayuu yiri.

Jumladdii taasi ku xigtay wuxuu Cabdirisaaq ku caddeeyay in ciidamadii deegaanka kasoo jeeday ee Somaliland ay sugayaan amniga shirka iyo magaaladaba.

Hadalkan ayaa inkasta oo uusan kala caddayn in Cabdirisaaq si buuxda u taageeri doono go’aan kasta oo kasoo baxa shirka, ayaa haddane u muuqda dabacsanaan maamulka Somaliland ay u muujinayaan reer Sool oo hadda xaaladooda ay gaadhay heer ay adagtahay in dib ay ula midoobaan Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM