Somaliland oo hay'adaha samafalka ka mamnuucay Laascaanood

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli Isniinta berri ah lagu dhawaaqayo go'aanka shirka Isimada.

HARGEYSA, Somaliland - Laascaanood oo mudooyinkii u dambeeyay ay ka socdeen dibad-baxyo looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland ayaa waxaa ka bilowday qax ay sameeyeen dadwayne ka cabsi qaba gacan-ka-hadal.

Qoysas lagu qiyaasay 13 kun oo qoys ayaa la wariyay in ay magaalada ka baxeen iyaga oo ka walaacsan in doonista dadka degaanka iyo Somaliland uu ka dhasho dagaal fool-ka-fool ah.

Dr Mustafe Cabdi Maxamed oo ah bare mid kamid ah jaamacadaha magaalada ayaa Garowe Online u sheegay in dadka barakacay ay ku sugan yihiin xaalad adag ayna u baahan yihiin kaalmo deg-deg ah.

Hay'adaha bini'aadanimada ayuu sheegay Dr Mustafe in Somaliland ay ka mamnuucday in ay ka hadlaan xaaladda Laascaanood isaga oo ugu baaqay in shacabka iyo madaxda Puntland ay dadkaasi u gurmadaan.

Garowe ayaa maalmihii u danbeeyay si wayn looga dareemay imaatinka qoysaska kasoo qaxaya xarunta gobolka Sool iyada oo loogu yeeray bulshada in dadkaasi aan lagu dhibin kirada guryaha.

Shacabka caasimadda Puntland ayaa soo dhaweeyay dadweynahan oo qeybtood degay xeryaha barakacyaasha. Ma muuqato qorshe maamulka gobolka ama dowladda ugu gargaareyso shacabkan.

Bari oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in garoonka kubada ee lagu magacaabo Cabdi Bile looga dhawaaqo go'aamadii kasoo baxay iskuna raaceen Isimada degaanka ku shirsanaa magaalada dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM