Somaliland oo Jawaab Culus u dirtay Xukuumadda Soomaaliya [Daawo]

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu sharci darrada ugu tilmaamay Heshiiskii Dekedda Berbera.

Isagoo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay 8-da Maarso oo ka dhacday Hargeysa, ayaa Madaxweyne Muuse Biixi sheegay in Ra’iisul Wasaare Khayre uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Somaliland.

Wuxuu xusay Muuse Biixi in Somaliland ay iska difaacayso duulaanka ay kusoo qaadey dowladda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ka dambeeyay heshiiska maalgashiga ee ay la galeen DP World ee laga leeyahay UAE.

Madaxweyne Muuse ayaa si adag u difaacay heshiiska Berbera, kaasi oo Itoobiya ay qeyb ka yahay, isagoo xusay in maamulkiisa oo kaliya uu xaq u leeyahay go’aanka Heshiiska, islamarkaana cidna kala tashaneynin.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga soo horjeestay Heshiiska Somaliland iyo DP World, iyagoo ku tilmaamay mid sharci darro ah. Halkan ka Daawo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan waxba kala socon Heshiiska saddex geesoodka Berbera ee Somaliland, DP World iyo Itoobiya, waxaana ay shaacisay in heshiisyada noocan ah ay iyada oo kaliya dastuurka awood u siinayo inay saxiixdo.

Shirkadda DP World ayaa dhawaan shaacisay in go'aanka dowladda Federaalka aysan waxba ka bedeli karin Heshiiska ay la gashay Somaliland, maadaama heshiiskooda uu meel mariyay Baarlamaanka Somaliland 2016-kii.

Hoos ka daawo khudbadda Madaxweyne Muuse Biixi:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM