Somaliland oo ka jawaabtay dagaalka ay Puntland ku dhawaaqday

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa jawaab adag uu ka bixiyay hadal shalay oo Axad ahayd kasoo yeeray Puntland, oo ku dhawaaqay dagaal ay ku sheegtay in lagu xorraynayo degaanada Sool, Sanaag iyo Cayn [SSC].

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Difaaca ee maamulka Somaliland ayaa waxaa lagu eedeeyay Puntland inay hareer-martay baaqa iyo dhax-dhaxaadinta ay wado Beesha Caalamka, oo ah in si wada hadal ah lagu xaliyo colaada goboladda SSC.

Bayaanka Wasaaradda Gaashaandhiga maamulka Muuse Biixi, waxaa lagu sheegay in ujeedada maamulka Garowe ugu han-qal taagayo dagaalka ay tahay sida hadalka loo dhigay mudo kororsi, maadaama Puntland dhowaan doorasho ay ka dhici doonto.

"Somaliland waxay aqbashay dhamaan go'aamadii kasoo baxay dadaaladda ay wadaan Beesha Caalamka. Laakiin, madax muddo kororsi dooneysa waxay mar walba dooneysaa inay degaano nabad ka jirta ka abuuraan dhibaato, iyo fad-qallo," ayaa lagu yiri warka.

Maamulka Hargeysa ayaa ku adkeysatay in ciidamadooda ay baaqi kusii ahaan doonan meesha ay hadda ka joogaan gobolka Sool, iyo tuulada Tukaraq, halkaasoo ay si awood ah ku qabsadeen Bishii Janaayo ee sanadkaan 2018.

"Ciidamada Somaliland wali ma aysan gaarin xuduudka rasmiga ah, oo ah Kambalka caasimadda [Puntland], Balse, waxaan dhowraynaa shacabka degaanadaas si aysan u barakici," ayaa lagu daray war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Somaliland.

Hadalka kasoo yeeray Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Beesha Caalamka ay wado dadaalo ay kusoo afjaro colaada daxaleysatay ee u dhaxeysa labada maamul, taasoo ku saleysan gacan ku haynta gobolada, Sool iyo Sanaag.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAFAADEEDKA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM