Somaliland oo la faray in ay isaga baxdo Awdal

Image

ADDIS ABABA - Garaad Gaamac Garaad Ismaaciil oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa kulan la qaatay Ugaas Cabdirasaaq Ugaas Rooble oo ah hoggaamiyaha jabhadda hubaysan ee gobolka Awdal.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay isbedelada siyaasadeed ee ka socda gobolka SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa sidoo kale fariin adag u diray maamulka Muuse Biixi.

Ugaas Cabdirasaaq ayaa ugu baaqay ciidamada Somaliland inay isaga baxaan gobolka Awdal, isagoo carabka ku adkeeyay inay diidan yihiin hal-ku-dhigyada gooni-u-goosad ah kuna baaqayo midnimada Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Garaad Gaamac waxa uu ka hadlay xasuuqii ay ciidamada Muuse Biixi ka geysteen magaalada Laascaanood, wuxuuna ku baaqay in dhibaatooyinkaas aanay ka dhicin magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

“Intaan dhibaata dhicin dadka guryahoodii uga baxa, Waa nasiib darro in Isimada Awdal ay gaaari karin deegaanadoodii, taas oo ceeb ku ah dadka indheergaradka ee Somaliland”.

Garaadka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay gudatay waajibkeeda, isaga oo xaqiijiyay in aqoonsiga uu ku yimid halgan ay soo galeen shacabka Deegaanada SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM