Somaliland oo mamnuucday adeegsiga astaanta Qaranka ee Internet-ka

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa mamnuucay adeegsiga Astaanta Qaranka ee Internet-ka [dotSO] kaasi oo maamulkiisa dhawaan ay lasoo wareegtay dowaldda Federaalka Soomaaliya. Halkan ka akhri.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Isgaarsiinta Somaliland, ayaa lagu amray Jaamacadaha, Shirkadaha Ganacsiga, Bangiyada, NGOs iyo Websites-ka ay leeyihiin Wariyaasha reer Somaliland ayaa looga digay adeesiga Astaanta ".SO".

Shirkadaha iyo shaqsiyaadka hadda isticmaala [.SO] aya loo qabtay mudo 30 maalmood ah inay uga wareegtaan Astaantan, taasi oo Somaliland u aragtay isticmaalkeeda inay dhaawacayso riyadeeda dhanka madaxbanaanida.

Go'aanka Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli maamulkaasi uu si aad ah uga soo horjeestay hadal kasoo baxay dowladda Federaalka kaasi oo ay uga hortimid heshiis ay la gashay Shirkadda DP World ee ay ku maamulayso Dekedda Berbera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM