Somaliland oo shaacisay kiisas cusub iyo qof u dhintay Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan-gelisay saddex kiis cusub oo ah safmareenka Corona.

Bukaanada cusub ayaa kamid ah 311 qof oo laga baarey xanuunka, sidda lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda oo nuqul kamid ah ay aragtay warbaahinta maxaliga ah.

Sidoo kale, waxaa cudurka ka caafimaadey saddex qof. Intaas waxaa wehlisa in uu geeriyoodey hal ruux, taas oo wadarta guud ee dhimashadda ka dhigeysa laba, guud ahaan Somaliland.

Saddexda kiis cusub ee laga helay Somaliland 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa wadarta guud ka dhigaya 12, maadaama horey loo diiwaan-geliyay Sagaal ku kala sugan magaalooyinka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo adkeeyay ahmiyada kala fogaanta ayaa todobaadkii hore xaqiijiyey in munaasabadaha 18 May iyo 26-ka June ay u baajinayaan sabab la xiriirta fayruska

Biixi ayaa dhakhaatiirta ku waaniyey in ay is-waafujiyaan talooyinka ay soo jeedinayaan iyo ficilada ay sameynayaan kadib markii dhakhtar uu kulan balaaran u qabtay shaqaalihiisa.

Guud ahaan kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya ayaa shalay gaarey 835 kadib markii lasoo wariyey 79 xaaladood oo cusub, waxaana dhimashadda ay gaartay 38, iyaddoo ay ka bogsadeen 75.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM