Somaliland oo si ku meelgaar ah xanibaad ugu soo rogtay Qaadka

Image

HARGEYSA, Somaliland – Kadib is-qabqabsi iyo wadahadalo dheer, maamulka Somaliland ayaa wuxuu maanta ku dhawaaqay in muddo 25 maalmood ah uu joojiyey keenista iyo ka ganacsiga maandooriyaha Qaadka.

Go'aankaan oo si toos ah ula xiriirka ololaha lagu xakameynayo faafitaanka Coronavirus waxaa ku dhawaaqay Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku xigeenka maamulka Muuse Biixi.

"Somaliland [waa] laga joojiyey keenista iyo ka ganacsiga Qaadka ilaa maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 21st May 2020 oo ku beegan labo cisho ka hor maalinta ciidda, iyadoo lagu xisaabtami doono xaaladda isbedel ee xanuunka COVID-19," ayuu shaaciyey.

Saylici oo wariyeyaasha kula hadlay ayaa tibaaxay in xukuumadda ay la wareegi doonto gaadiidkii lagu qabta isagoo sifo sharci darro ah Qaad kusoo gelinaya degaanadda Somaliland.

Dadweynaha iyo ciidamadda ammaanka ayuu si cad daaha uga rogay in ay awood buuxda u haystaan in ay qabtaan gaadiidka Qaadka.

Intii uu ku guda jiray shirka jaraa'id, Mr Saylici ayaa ku nuux-nuux saday in ganacsatadda Qaadka ay la qaateen go'aankaas, isagoo kaga mahadceliyey doorka wanaagsan oo ay muujiyeen.

Ganacsatadda ayaa horey uga biya diiday joojinta Qaadka, iyagoo sheegay in ay ku tiirsan tahay nolol maalmeedkooda. Ma cadda waxa haatan loogu bedelay ee dhalisay in ay ogolaadaan.

Ganacsiga furan ee Qaadka ayaa caqabad muuqda ku noqdey dedaaladda xukuumadda Biixi ku dooneysay in ay ku baajiso faafitaanka Covid-19 iyo isku dayadii ay ku xiri lahayd Masaajida iyo xarumaha lagu barto Diinta.

MUUQAALKA SAYLICI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM