Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray DF Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland – Maamulka Somaliland ee fadhigiisu yahay magaaladda Hargeysa ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu si kulul uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeeray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Muqdisho oo u waramay Alaraby Tv, ayaa ku eedeeyay shirkadda DP World "khalkhalgelin iyo ku xadgudubka madax-banaanida Soomaaliya".

Cawad oo aan fahfaahin nooca "khalkhalgelin" ee uu ku eedeeyay shirkadan laga leeyahay Imaaraadka, ayaa xusay in ay ka shaqeynayaan sidii ay "uga difaaci lahaayeen midnimadda" wallow uusan sharaxin.

Balse, qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa hadafka hadalkaas ku sifeeyay "iska hor-keenka iyo khalkhalgelinta xiriirka Imaaraadka iyo Somaliland".

"Dawladda taagta daran ee Soomaaliya waxa ay dedaal badan ku bixisay in ay hor istaagto, isla markaana siyaasadayso mashaariicda maalgashi iyo horumarineed ee dawladda Imaaradka Carabtu ka waddo 'Jumhuuriyadda' Somaliland taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin," ayay raacisay.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah.

War-saxaafadeedka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay "in aannu daacad ka ahayn wadahadallo miro dhal noqda oo lagu kala baxo".

"Somaliland waxa ay si buuxda ugu wargalinaysaa dawladda Imaaraadka Carabta ee aannu walaalaha nahay, dawladdaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo adduunka intiisa kaleba in madaxbannaanida Somaliland tahay mid aan ka laabasho lahayn isla markaana dadka reer Somaliland diyaar u yihiin ka midho dhalinta qaddiyaddooda ay xaqa u leeyihiin wax kasta oo ay ku kacayso iyo wakhti kasta oo ay qaadanayso," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Shirkadda DP World oo baarlamaanka uu ka mamnuucay in ay ka howlgasho gudaha waddanka ayaa mashaariicyo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqalaaha siiba dekadaha ka fulisa qaybo kamid dalka sidda Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM