Somaliland oo soo warisay kiisas cusub iyo geeri horleh oo ah Covid-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasaaradda Caafimaadka maamulka Somaliland ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay safmareenka Coronavirus ka baartay 74 qof kadib markii looga shakiyey.

Warbixinta maalinlaha ah ee 9-ka June, 2020 ayaa lagu caddeeyay in 17 kamid ah shaqsiyaadkaas laga helay caabuqaas; dhamaantooda waa muwaadiniin, 10 ruux waa rag, 7 qofna waa dumar.

Bukaanadda cusub oo u badan kuwa la qaad-siiyey ayaa ku kala nool magaalooyinka kala ah: caasimadda Hargeysa waa 10 iyo Burco oo ah 7 qof.

Da'dooda ayaa waxaa la sheegay in u dhaxeyso; 10jir ilaa 19jir = 1 qof, 20jir ilaa 29jir = 8 qof, 30jir ilaa 39jir = 3 qof, 40jir ilaa 49jir = 2 qof, 50jir ilaa 59jir = 2 qof iyo 100jir ilaa 109jir = 1 qo.

"Waxaa xanuunka ka bogsaday 7 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Sideetan (80)," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Waxaa la raaciyey: "Waxaa geeriyooday hal qof oo rag ah oo deganaa Hargeysa, da'diisuna ahayd 104 jir, taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhimatay Somaliland Lix iyo Labatan [26]".

Ugu dambeyntii, guud ahaan kiisaska Covid-19 ee degaanada Somaliland ayaa maraya 466 bukaan; tiradda guud ee shaqsiyaadka laga baarey caabuqa tan iyo markii xanuunku dilaacay waa 1,893.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM