Somaliland oo u dhaqaaqday dhanka go’doominta Laascaanood

Image
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah kuwa badan oo is xigxiga oo Somaliland ay doonayso in ay ku go’doomiso dhaqdhaqaaqyada magaalada.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa u muuqda in uu qaadayo tallaabooyinkii ugu horeeyay oo ka dhan kacdoonka shacabka ee Laascaanood. Warqaddii ugu horeysey oo rasmi ahna waxa ay kasoo baxda wasaaradda warfaafinta.

Warqaddan ayaa loogu digey saxaafadda gudaha ee Somaliland in aysan ka hadlin, islamarkaasna tabin waxyaabaha ka dhacaya Laascaano, ciddii dhegaha ka fureysatana ay la kulmi doonto tallaabo sharci ah sida qoraalka lagu sheegay.

Qoraalka wasaaradda ayaa saxafiyiinta lagu xusuusiyay in "waajib muwaadhinimo" uu ka saaran-yahay illaalinta midnimada "qaranka" iyo illaalinta "diinta islaamka" sida hadalka loo dhigay.

Lama oga waxa diinta islaamka ka dhanka ah ee Laascaanood ka dhacaya ee ay wasaaradda ka digayso ama "waajibka diiniga ah ee saxafiyiinta faraya in aysan ka waramin dhacdooyinkan cusub".

Somaliland oo caan ku ah xarigga iyo caburinta saxaafadda, ayay qaar badan oo saxaafadda ka mid ah amarka hortiis si iskood ah uga gaabsanayeen tabinta iyo ka hadlista waxa Sool ka socda, marka laga reebo saxafiyiin tiro kooban.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah kuwa badan oo is xigxiga oo Somaliland ay doonayso in ay ku go’doomiso dhaqdhaqaaqyada Laascaanood oo hadda gaaray heer aanan waxbo laga qaban karin.

Waxaa tallaabooyinka kale ka mid ah dhaqdhaqaaqyo ciidan oo Somaliland ay ku doonayso in ay kaga hortagto wax kasta oo kasoo baxa shirka, markaasina u hesho marmarsiimo sharci.

Sidaasi oo ay tahay weli talada rasmiga ah ee Somaliland ka qaadanayso Sool xaaladan hadda taagan weli ma cadda, welina si fiican looma gorfeyn sida ay wararka sheegayaan maadaama ay kala boodsanyihiin madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka oo saamiileyaal ka ah qadiyaddan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM