Somaliland oo u digtay Beesha Caalamka xili ay wajaheyso cadaadis

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland, oo sheegata in ay Soomaaliya inteeda kale ka madax banaantahay tan iyo 1991-dii, ayaa kaga digtay Beesha Caalamka "in ay hoos-geeyaan" xukuumadda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiiradda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ayaa fariintaan loogu diray wakiiladda saaxiibada caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Somaliland, oo wali aan aqoonsi u helin gooni u goosadkeeda, ayaa dooneysa in Beesha Caalamka ula dhaqanto "dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya," sidda ku cad bayaanka.

Dhawaqan cusub ayaa imaanaya xili maamulka Hargeysa uu wajahayo cadaadis ka imaanaya deeq-bixiyeyaasha oo ku aadan qabashada doorashooyinka baarlamaanka iyo degaanka oo baaqday lix jeer.

Mashaariicda

"Dhammaan qoraalada mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariiradda, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah," ayuu raaciyey.

Wuxuu ku daray: "Lama fulin karo mashaariic aan heshiiskooda lala gelin Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan oggolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ee ay khusayso".

Dowladda Federaalka oo horey u waydiisatay dunida in lasoo marsiiyo mashaariicda ku wajahan Somaliland ayaa qandaraas kale oo lagu hirgelinayo jidad iyo Isbitaalo la gashay Midowga Yurub.

Mashaariicda Isbitaalka oo Talyaaniga si gaar ah u fulinayo waxaa ku baxeysa afar milyan oo Doolar, sidda ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya ee haatan jirta iyo mas'uuliyiinta Somaliland ayaa hooseeya, waxaana taas ay dhalisay in aan dib loo bilaabi wada-hadaladda labada dhinac oo hakad ku jira shan sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM