Somaliland oo war kasoo saartey kulankii Muuse Biixi iyo Abiy Axmed

Image

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay kulankii ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen Madaxwayne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, shalay oo Arbaco ahayd.

Sida ku cad war kasoo baxay xafiiska Biixi iyo Abiy, waxay ay isku raaceen in laga shaqeeyo nabadda gobolka geeska Afrika iyo sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Hargeysa la yeelaneyso dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Si lamid ah, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan xiriir ganacsi iyo mid dhaqaale iyadoo Ethiopia isticmaaleyso dekada Berbera ee Somaliland, sida laga soo xigtay war kasoo baxay xafiiska wasiirka qaad ee dalka aan badda lahayn.

Bayaanka xafiiska Biixi ayaa lagu xaqiijiyay in maamulkaasi uu diyaar u yahay wadahadal uu la galo xukuumada Muqdisho, talaabo muujineysa in uu isbedalay mowqif uu horey qaatay Muuse.

"[Labada dhinac ayaa isku afgartay] in arrinta [dowlada dhexe iyo Somaliland] lagu xaliyo fagaaro calaami ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo intaas raaciyay "Si looga fogaado colaad iyo xasarado horleh".

Ugu dambeyntii, maamulka Hargeysa ayaa ugu baaqay dowlada Farmaajo in ay ka joojiso "been-abuurashada, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga ku nool degaanada Somaliland".

Tan iyo markii uu Farmaajo xafiiska yimid bishii Febraayo 2017-kii, maamulka Muuse Biixi ayaa fagaarayaal kala duwan ka sheegay in dowladiisa ay gelisay xayiraad iyo cunaqabateyn "dhinac kasta ah".

Somaliland ayaa sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale tan iyo 1991-dii inkasta oo aanu helin aqoonsi caalami ah, taasi oo la rumeysan yahay in ay uga xiran tahay dhinaca Muqdisho.

Kulanka Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa dharbaaxo kulul ku ah hadal horey uga soo yeeray Madaxwayne Farmaajo kaasi oo ahaa in uu kala hadlay dalalka deriska inaanu la kulmi karin hogaamiyaasha maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biixi oo kusii dhawaanaya inuu qirto guuldarada doorashada Somaliland

Cabdiraxmaan Ciro ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono tartanka madaxtinimada.

  • Somaliland

    16-11-2024

  • 06:29AM

Dowladda Itoobiya oo amaantay doorashadii Somaliland

War-saxaafadeedku waxa kale oo lagu ammaanay Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

  • Somaliland

    15-11-2024

  • 01:29PM