Somaliland oo warmurtiyeed ka soo saartay wada-hadallada Soomaaliya-Somaliland

Image
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa soo saartay Warmurtiyeed ku aadan wadahadallada.

HARGEYSA, Soomaaliya - Xukuumadda Somaliland ayaa war-murtiyeed ka soo saartay kulankii maanta magaalada Jabuuti ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Warmurtiyeedka ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa waxa lagu qaabiley Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyadoo si toos ah loo gudo-galay shirkii loo balansaa ee madaxweyneyaasha Dalalka Somaliland, Jabuuti iyo Soomaaliya.”

“Kulankan saddex geesoodka ah ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalladii hakadku ku yimi ee u dhaxeeyey labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadaladaas oo soo bilaabmay sannadkii 2012-kii, dibna u bilaabmay maanta, kulamadiisuna ay weli socdaan.” ayaa la raaciyay warmurtiyeedka.

Shalay ayuu Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud soo gaaray dalka Jabuuti si uu uga qeyb galo wadahadalada labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii uu talada dalka qabtay muhiimad gaar ah siiyay hagaajinta xiriirka kala dhaxeeyo Somaliland, wuxuuna magacaabay ergay gaar ah oo wada-hadallada u qaabilsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM