Somaliland oo weerar dhanka afka ah ku qaadey Rooble

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa cambaareeyay barakicinta qasabka ah ee Laascaanood.

HARGEYSA, Somaliland - Maamulka Somaliland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu weerar dhanka afka ah uu ku qaadey ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

Waasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Rooble ay horey degaanada Somaliland uga eryeen sheegashooyin la xiriira wax is-dabamarin.

"Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya [Maxamed Xuseen Rooble], hay'adda shaqaalaha ee jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ayuu [halkan] madax uga ahaa, saddex wasaaradood oo la shaqeynaayry ayaa isku raacay in uusan ahayn masuul qaran iyo umad u joogi kara," ayuu yiri.

Barkhad Batuun oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa difaacay barakicinta qasabka ah ee maamulkaas ka bilaabay Laascaanood xilli uu u jawaabay Maxamed Xuseen Rooble.

"Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn Rooblena wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan," ayuu yiri.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa Facebook-giisa wuxuu ku daabacay qoraal uu ku difaacayo wasiirka koowaad ee xukuumadda xilgaarsiinta federaalka Soomaaliya.

"Ninikii heyb sooca ka sheeganayey ee taageerada badan arrintaas Soomaali oo Idil uga helay ayaa durbaba kursigii marka uu ku fariistay dad heyb-sooc lagu soo tarxiilay xuquuqdoodii dafiraya kuwii falkaas geystayna u muujinaya garab istaag. Barkhad meel xun buu talaabo qaadka ka bilaabay," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.

Rooble ayaa dhowaan wuxuu cambaareeyay barakicinta qasabka ah ee dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay Somaliland kaga soo qixisay magaalada Laascaanood sababo ammaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM