Somaliland oo xabsiga dhigtay Siyaasi rabo inuu maamul cusub dhiso

Image

BURCO, Somaliland - Ciidamada amaanka Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay Siyaasi caan ah kadib markii uu ku dhawaaqay inuu dhisayo maamul cusub, oo aan hoos-tagin Hargeysa.

Saleebaan Ibraahin Maxamuud, ayaa lagu xiray magaalada Burco, isaga iyo shaqsiyaad kale oo kala shaqeynayay sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka Saaxil, kaasi oo lagu magacaabo Saaxil-Land.

Xariga Siyaasiga ayaa ka dambeeyay maalmo kadib markii uu magaalada Burco ka sheegay tallaabada uu Maamul goboleedka cusub ugu sameynayo gobolka Saaxil.

Maamulka Soomaalialnd ayaa aad uga carooday qorshaha Saleebaan waxaana la dhigay Xabsi, iyadoo laga yaabo in lasoo taago maxkamad, sida Illo-wareedyo u sheegeen Garowe Online.

Saleebaan Ibraahin Maxamuud ayaa la sheegay inuu aad u dhaliilsan yahay siyaasadda maamulka Hargeysa ee ku aadan gobolka Saaxil, oo uu kasoo jeedo iyo mashaariicda ka socda magaalada Berbera.

Somaliland ayaa horey u xirtay Weriyaal, Siyaasiyiin, Fanaaniin iyo Shaqsiyaad kale oo aaminsan Midnimada Soomaaliya, kuwaasi oo ay kamid tahay Naciima Abwaan Qorane oo wali xabsiga ku jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM