Somaliland oo xirtay xuduudaheeda xili ay sii korortay cabsida COVID-19

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa xirtay xuduudaheeda isla markaana joojisay isu socodka marka laga yimaado cuntada, shidaalka iyo daawooyinka caafimaadka xili ay jirto cabsida faafitaanka COVID—19.

Guddiga ka hortagga caabuqaas ee maamulka gooni-u-goosadka ah ayaa sheegay in ay karan-tiil 14 maalmood ah la gelin doono dhamaan dadka kasoo degaya garoomada.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa faray shaqaalaha dowlada in ay iska joogaan gurigooda, marka laga reebo kuwa caafimaadka.

Go'aanadan ayaa imaanaya xili madaarka diyaaradaha Hargeysa laga qabtay in ka badan tobban ruux oo looga shakisan yahay xanuunka, wallow guddiga uu ku adkeystay in aysan ka muuqan astaamaha fayruska.

Dhanka kale, Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa sheegay in ay ciidamo ku daabuli doonan waddooyinka si u kala eryaan dadweynaha isu imaanaya.

Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaa laga helay hal kiis oo Coronavirus ah. Muwaadin ka yimid China ayaa la nool. Wasaaradda Caafimaadka Federaalka ayaa la tacaaleysa xaaladiisa.

Talaabada ay Somaliland ku xirtay xuduudaheeda ayaa waxay kusoo aadeysaa maalmo kadib markii Jamhuuriyadda Jabuuti, oo xanuunka laga helay laba ruux oo socoto ah, ay shaacisay in ay hakisey dhaqdhaqaaqa xadka.

QORAALKA GUDDIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM