Somaliland oo Xukun adag ku riday Boqor Buurmadoow
HARGEYSA, Somaliland - Maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa, ee xarunta maamulka Somaliland ayaa xukun xabsi ah ku riday Boqor Buurmadow, oo kamid ah madax dhaqameedka ugu waaweyn waqooyiga Soomaaliya.
Boqor Cismaan Ow-Maxamuud (Buurmadoow) ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu hadallo lidi ku ah "Qaranimada" Somaliland uu ka jeediyay degmada Carmo xilli uu ka qeybgalayay caleema-saarkii Beel-daaje Maxamed.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Boqor Buurmadow uusan iibsan karin xukunka ku dhacay sidoo kalena uusan racfaan ka qaadin karin, marka laga reebo in Madaxweynaha Somaliland uu cafis u fidin karo.
Maamulka Somaliland ayaa dhibsaday hadalka Boqor Buurmadow, iyadoo markii uu kasoo laabtay Puntland ay Ciidamada amaaka xabsiga u taxaabeen, inkastoo labo maalmood kadib damiin lagu sii daayay, kahor xukunta Maxkamadda maanta ku riday.
Somaliland ayaa inta badan beegsata shaqsiyaadka caanka ah, sida Abwaanada, Fanaaniinta iyo Wariye-yaasha aaminsan midnimada Soomaaliya, kuwaasi oo a xiro markii ay safaro ku tago Muqdisho iyo deenaada kale ee dalka.
Todobaad kahor, Maxkamadda Maroodi-jeex ayaa xukun saddex sano oo xabsi ah ku riday Naciima Abwaan Qorane, oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ay ku leedahay kusoo qortay haddalo dhaawacaya jiritaanka Somaliland.
GAROWE ONLINE