Somaliland oo xukuntay askari lagu eedeeyay dilka arday

Image
Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa ka qalinjabiyey Iskuul ku yaala Boosaaso.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa la sheegay in ay dil toogaasho ah ku xukuntay askarigii lagu eedeeyay khaarijinta Ibrahim Salaad, ardaygii bishii July lagu dhex-dilay Jaamacada Camuud ee Boorame.

Xukunkan oo gabagbo u ah gal-dacwadeedkan oo xeer-beegtada horyaalay tan iyo markii fal-dambiyeedkaas uu dhacay waxaa lagu waramay in Arbacada maanta ah ay riday maxkamadda ciidamadda Somaliland.

Xukunsanaha iyo qareenadiisu ayaa waxay haystaan fursad ay rafcaan kaga qaadan karaan xukunka wallow aan si rasmi ah wali loo xaqiijin ay gudbiyaan dalabka rafcaanka oo dhamaanaya 30-casho gudaheeda.

Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ka qalinjabiyey Iskuulka Najax ee magaalada Boosaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland.

Ibraahim oo qoyskiisa ay dalbadeen cadaalad ayaa ku jiray sanadkii labaad, waxaana uu kamid ahaa ardaydii gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanad-dugsiyadeedka labaad ee jaamacada.

Toogashadan ayaa waxay kusoo aadey xilli Somaliland ay ciidan dheeraad ah ugu daabushay Boorama markii 26-kii June ay dhalinyaro badan xabsi u dhigtay in ay wateen calanka jamhuuriyada Soomaaliya.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale balse waxay dunida u aqoonsan tahay maamul hoostaga dowlada federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM