Somaliland oo lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay xubin mucaarad ah

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xili xaaladda xorriyadda hadalka Somaliland aad loo saluug-san yahay ayaa maxkamada ku taala Hargeysa waxay maanta oo Khamiis ah ay lix bilood oo xarig garka u gelisay siyaasi da'yar.

Maxamed Sidiiq Dhamme oo muddo laba bilood ah xabsi ku jiray intii ay socotay dacwadiisa ayaa wuxuu haatan yahay gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xabsiga mucaaradka ah ee Waddani.

Sarkaalkan ayay xeer-ilaalintu kusoo oogtay lagu laba dacwadood oo kala ah; kicin dadweyne iyo caay ka dhan ah madaxweynaha Somaliland.

Xeer-beegtada kiiskan gacanta ku haysay ayay saxaafadda maxaliga ah kasoo xigatay in Dhamme lagu helay dambi ah aflagaado ka dhan ah Muuse Biixi Cabdi, hogaamiyaha maamulka gooni isu taaga ah.

Dhamme ayaa baraha bulshadda ku cabiri jiray aragtidiisa ku aadan siyaasada xukuumadda ee Sanaag – gobol ay isku haystaan Somaliland iyo Puntland - taasi maqaar-xanuunjisay maamulka Hargeysa.

Xisbiga uu ka tirsan yahay oo ka hadlay xukunkan ayaa cambaareeyay, waxana uuna cadaalo darro ku tilmaamay xukunkaasi xili wararku ay tibaaxayaan in xisbiga uu isku dayo in uu dammaanad kusii daayo Dhamme.

Xukunkan ayaa wuxuu noqonayaa kuwa sil-silad ah oo tan iyo markii uu timid xukuumada Muuse Biixi ay ku beegsaneyso shaqsiyaadka ka aragtida duwan ee baraha bulshadda ku muujiya fekerkooda.

Bahda warbaahinta ayaa qeyb ka ah dhibaneyaasha siyaasada cusub ee ka dhanka ah xorriyada hadalka iyadda oo horaantii bishaan June hawada laga saarey muuqaal-baahiyeyaal xaalada gobolkaasi diirada saaray.

Hay’addaha u dooda xuquuqda aadanaha oo walwal weyn ka muujiyey xaalada xorriyadda hadalka ee Somaliland ayaa ku tartarsiiyey hogaanka in uu aqbalo dhaliilaha isla markaana xaq-dhowro muujinta oraahda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM