Somaliland: Wasiir safar dibada ah kasoo laabtey oo aan la karantiilin

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo kasoo laabtey safar uu ku tegay dalka Ingiriiska ayaa nan gelin karan-tiil, sidda uu shaaca ka dhigay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Afhayeenka xisbigaas, Barkhad Jaamac Baatuun oo ka hadlay arrinkaas, ayaa wuxuu talaabadaas ku tilmaamay "nasiib darro weyn".

"Sharciga masuulka xukumadda xil ka haya u fasaxaya in uu xafiiskiisa iyo xaafaddiisa tago, Muwaadinkana maxbuus ka dhiga xukumadda ha sheegto meeshu ku yaal?," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Siyaasiga oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray: "Saylici ama sarreynta sharcigu ka shaqeyn isaga gudoomiyihii guddida ahe ama saameyntiisa hoggaamineed ayaa suuqyada laga sheekaysan".

Cabdiraxmaan Saylici, madaxweyne ku xigeenka maamulkaas gooni u goosadka ah, ayaa hogaaminaya guddiga xukuumadda Muuse Biixi Cabdi u qaabilsan ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunkaas.

Guddiga oo fursad loo siiyey in ay ka jawaabaan eedeynta ayaa nan ka faa'iideysan kamana jawaabin telefoonada saxaafada.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], dhankiisa wali kama hadlin eedeyntaas.

Degaanada Somaliland gaar ahaan magaalooyinka Burca iyo Berbera ayaa laga soo wariyey laba kiis oo midkood uu soo ritay muwaadin u dhashay Shiinaha. Sidoo kale, waxaa baaritaan uu ku socdaa xubno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM