Somaliland: Waxaanu haynaa liiska soddon wariye oo ay masruufto DFS

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay in ay gacanta ku hayso liiska soddon wariye iyo xarumo warbaahineed "oo laaluush ka qaata dowladda federaalka Soomaaliya".

Maxamed Kaahin Cabdi, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey in ay sii wadayaan dabagalka darafyadaas oo ka howlgala Hargeysa.

"Ma dooneyno in aan ku deg-degno ah oo arrimaha nuucaas ah aan mushkilad ka dhigno," ayuu Kaahin ka sheegay munaasabad gaar ah.

Munaasabada oo ka dhacday magaalo madaxda maamulkaas gooni u goosadka ah ayaa ciwaankeedu ahaa "doorka nabada ee warbaahinta".

"Ragga ina-ciijiya marka aan shirarka jaraa'id qabaneyno liiskaas ayay kuwada jiraan," ayuu hadalkiisu ku daray Kaahin.

Dhinaciisa, wasiirka warfaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali, ayaa dul istaagey xafiisyadda laga "biilo" dhinacyadda ay eedeeyeen.

"Wasiirku wuxuu ii sheegay in xafiiska ra'iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya laga bixiyo qabax [sharuur] badan, oo la siiyo wariyeyaal iyo Tv-yo ku jira liiskaan aan hayno," ayuu raaciyey.

Midkoodna – labada wasiir – ma uusan carabaabin saxafiyiinta iyo xarumo warbaahined ee ay ku eedeeyeen "laaluush qaadashada" iyo talaabada xigta oo ay qaadayaan.

Dowlada madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeeyaa ku xadgudubka iyo caburinta saxaafada si lamid ah in ay dhaqaale ku bixiso sumcad dilka dadka siyaasad kaga aragtida duwan ee hogaamiyeyaasha ah.

MUUQAALKA WASIIRADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM