Somaliland: Xisbiga Kulmiye oo dhoola-tus ka sameeyay Berbera

Image
Image
Image
Image

BERBERA, Somaliland - Ololaha doorashada Somaliland ayaa maaliba maalinta ka dambaysa sii kululaanaya, iyadoo Xisbiyada Siyaasadda ay sameynayaan isku soo baxyo ay cududooda ku muujinayaan.

Kumanaan taageeriyaasha Xisbiga Kulmiye, oo ah midka hadda talada haya ayaa waxa uu isku soo bax ballaaran ka sameeyay wadooyinka magaalada Berbera, ee xarunta gobolka Saaxil, iyagoo ku lebisan astaanta Xisbiga.

Muuse Biixi Cabdi, oo ah musharaxa Xisbiga Kulmiye oo ah wehlinayeen Prof Axmed Samatar, Siyaasiyiin caan ah iyo Xildhibaano ayaa ka qeybgalay Ololihii maanta taageeriyaasha ka dhigay fagaaraha Xuriyada.

Musharax Muuse Biixi oo la hadlay dadweynaha ayaa sheegay in Kulmiye uu ka mudan yahay xisbiyada kale inuu hogaanka sii hayo, isagoo ka codsaday shacabka inay u codeeyaan doorashada 13-ka November.

Wuxuu eed dusha uga tuurey Cabdiraxmaan Cirro, Musharaxa Xisbiga WADDANI, oo ku tilmaamay inuu yahay shaqsi kasoo horjeeda mashruuca horumarinta dekedda Berbera.

Gudiga doorashada, Culimada iyo Madaxda xilka kasoo dagaya, ayaa dhamaan ugu baaqay Musharaxiinta Xisbiyada Kulmiye, UCID iyo WADDANI inay ka fogaadaan erayada xanafta leh ee kala fogeynayo shacabka Somaliland. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM