Somaliland: Xisbiga Waddani oo kahor yimid Heshiiska Kulmiye iyo UCID

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga Mucaaradka Somaliland, ayaa kasoo horjeystay heshiis ay si wadajir ah uga gaareen Kulmiye iyo UCID doorashadooyinka Goleyaasha degaanka iyo Aqalka Wakiiladda.

Xisbiga Waddani ayaa warmurtiyeed uu maanta soo saaray ku sheegay inay ku adkaysanayaan in la kala diro guddida doorashadda, lana soo dhiso Guddi cusub, oo dhinacyada kuwada qanacsan yihiin.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay ay sheegey in doorashada la gelayo bisha November ee sannadkan, islamarkaana guddida hadda jooga ee doorashaduna ay qabanayo.

Waddani waxuu sheegay in aanay suuro gal ahayn doorasho laba xisbi ah in ay Somaliland ka dhacdo, wuxuuna ugu baaqey Madaxweyne Muuse Biixi inuu la yimaado qorshe kale oo xal u ah Somaliland.

Xisbiga ayaa xusay in xisbiyadu kala madax bannaan yihiin aragti ahaan, islamar ahaantaana ay tahay in lagu wada shaqeeyo shuruucda iyo wixii lagu heshiiyo maaddaama Somaliland ku shaqaynayso dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.

Caqabado ayaa hor taaggan in ay qabsoomaan doorashooyinka Goleyaasha Degaanka Iyo Wakiillada Somaliland oo hore dib u dhacyo ugu yimid, iyadoo haatan ay muuqato in Xisbiyadda isku mari la'yihiin hanaanka doorashadda iyo wadada loo marayo.

UCID iyo Kulmiye ayaa soo saarey war-saxaafadeed, oo ay ku shaaciyeen in doorashadda la qabanayo bisha 11-aad. [Halkan ka akhri war-murtiyeedka].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM

Cirro oo Soo Dhaweeyay Hadalka Rooble Ku Garab-Istaagay Somaliland

Waxaan hambalyeynayaa siyaasiyiinta fahmay xaqiiqada jirta, gaar ahaan Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble.

  • Somaliland

    23-08-2025

  • 08:24AM