Tahriibeyaal Itoobiyaan ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Hargeysa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Laba muhaajiriin Itoobiyaan ah ayaa lagu khaarijiyey, laba kalena waa lagu dhaawacay kadib weerar ka dhacay duleedka Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Taliska Booliska oo shaaciyey in dhacdadan lagu soo war-geliyay Khamiistii ayaa weerarka lagu beegsaday ajaaniibtan wuxuu ku sifeeyay mid salka ku haya "burcadnimo'.

Taliye ku xigeenka bileyska, Sareeyo Guuto, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa tilmaamay in rag ka tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen falkan gacanta lagu soo dhigay.

Mr Fooxle ma uusan ka jawaabin su'aal ku aadaneyd tiradda saxda ah ee shaqsiyaadkaasi iyo suurtogalnimada iyo falka u ahaa mid ku saleysanaa "soo galooti naceyb".

Sarkaalkan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ku adkeystay in baaritaan uu ku socdo xubnahaasi, isla markaana kadib ay fahfaahin buuxda ka bixin doonan shaqaaqadan.

Ajaaniibta dilka iyo dhaawaca loo geystay ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo jeedan qowmiyadda Oromadda, sidda ay xaqiijisay Qunsulyadda xukuumada Addis Ababa ee Hargeysa.

Somaliland, maamul gooni isu taag sheegta balse caalamka u aqoonsan yahay in uu hoostago dowlada Soomaaliya, ayaa kamid ah marinada tahriibeyaasha qaar kamid ah dalalka deriska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM