Somaliland: Su'aallo ka dhashay arday lagu dhex-dilay jaamacad
BOORAMA, Somaliland - Booliska Somaliland ayaa lagu eedeeyay dil gudaha Jaamacadda Camuud faraca magaalada Boorama loogu geystay arday lagu magacaabayey Ibraahim Salaad Donzaa.
Taliska bileysku oo fahfaahin ka kooban sida ay wax u dhaceen ayaa wuxuu xusay in ay baarayaan qaabka falku u dhacay. Su'aallo badan waxay ku hareereysan yihiin sababta dilka sababtay.
Marxuumka oo ahaa 23-jir baranayey cilmiga Injineernimada Biyaha ayaa waxaa la sheegay in uu ka qalinjabiyey Iskuulka Najax ee magaalada Boosaso, xarunta ganacsiga dowlada Puntland.
Maamulka Jaamacada Camuud faraca Boorama oo ka tacsiyeeyay geerida arday Ibraahim Salaad Donzaa ayaa shaaca ka dhigay in uu xiran yahay askariga ka dambeeyay fal-dambiyeedkan.
"Askariga iyo ardayga waxay ka yimaadeen bariga Sanaag. Su'aal badan kama banaana waana la baarayaa dhacdadada. Askarigana waa xiran yahay," ayuu yiri Saleebaan Axmed Guuleed, guddoomiyaha jaamacadda
Wallow ay sheegeen in aysan ka hordhaceyn baaritaanka bileyska, haddana waxay tibaaxeen in lagu wargeliyey "in xabad ay ku qaraxdey marxuumka taasoo sababtay dhimashadda marxuumka".
Ibraahim oo qoyskiisa aanu wali hadlin dhacdadan ayaa ku jiray sanadkii labaad, waxaana uu kamid ahaa ardaydii gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee sanad-dugsiyadeedka labaad ee jaamacada.
Toogashadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xilli Somaliland ay ciidan dheeraad ah ugu daabushay Boorama markii 26-kii June ay dhalinyaro badan xabsi u dhigtay in ay wateen calanka jamhuuriyada Soomaaliya.
GAROWE ONLINE