Tirada dhimasada la xaqiijiyey ee banaanbaxyada Laascaanood

Image
Xaaladda gobolka Sool gaar ahaan magaala madaxda Laascaanood ayaa weli aad u kacsan.

HARGEYSA, Somaliland - Tirada dhimashada la xaqiijiyay ee isu-soo-baxyadda Laascaanood ayaa maraysa 20 qof. Axadda oo keliya waxaa dhintey 6 qof oo kamid ahaa bananabaxayaasha.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shacab tiro badan ay xalay ku hoydeen barxad magaalada ayna ciidamada u taag waayeen in ay ka kaxeeyaan kadib isku dayo kala duwan oo ay ku cadaadiyeen.

Maamulka Somaliland ayaa lagu waramay in uu magaalada ka gooyay korontada iyo isgaarsiinta taasoo keeneysa in xogaha laga helayo magaalada ay noqdaan kuwa goos goos ah.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Garoowe ayaa fariistay meel magaalada Garoowe u jirta 20KM oo keliya, balse fahfaahinta waxay sheegaysaa in uu abaabulay ciidamada Tukaraq.

Xaaladda gobolka Sool gaar ahaan magaala madaxda Laascaanood ayaa weli aad u kacsan, iyada oo weli ay iska soo dabo dhacayaan baaqyada ku aaddan in wadahadal la galo.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Koore ayaa kamid ah dadka ku baaqay in wadahadal laga galo xaaladda taagan xilli dadka ay dalbayaan in Somaliland ay ciidamadeeda ka saarto magaalada guud ahaa,

Taliyaha ciidanka Somaliland ee guud ayaa Laascaano ku sugan, waxaana lasoo wariyey in uu bixiyay amaro lagu bartilmaameedsanayo dadka hormuudka u ah mudaaharaadyadda soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM