UCID oo war kale kasoo saarey kulankii Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga UCID ayaa war kale kasoo saarey eedeyn uga timid dhigiisa WADDANI, oo ku aadan in maamulka Muuse Biixi uu u diray Faysal Cali Waraabe shirkii Brussels iyo inuu lasoo kulmo Madaxweyne Farmaajo.

War qoraal ah oo uu kasoo baxay UCID ayaa lagu sheegay in haba yaraatee aanay waxba ka jirin eedaasi, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo uu isagu dalbaday inuu la kulmo Faysal Cali Waraabe xilli uu ka qeybgalayay Shirkii Brussel.

Xisbiga UCID ayaa ku eedeeyay WADANI inuu abuurayo xaalad abuureysa isku dhaca shacabka iyo siyaasiyiinta Somaliland, wuxuuna ugu baaqay inuu meel iska dhigo danahiisa gaarka ah, ayna u istaagaan danta maamulka.

Madaxtooyadda Soomaaliya wali kama aysan hadlin kulankii Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe ee ka dhacay Brussels marka laga soo tago inay baahisay Sawirka Madaxweynaha oo ay gacmaha is haystaan Faysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galayr.

Sikastaba, kulankii Farmaajo iyo Faysal Cali Waraabe ayaa buuq siyaasadeed ka dhex-abuuray Xisbiyadda Siyaasadeed ee Somaliland [UCID, WADDANI iyo KULMIYE].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM