Uganda Airlines oo duulimaadyo toos ah ka hirgelineysa Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Shirkadda Duulimaadyadda ee wadanka Uganda ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay duulimaadyo toos ah ay ka hirgelineyso magaaladda Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Cornwell Muleya, madaxa shirkadaas, ayaa wuxuu tilmaamay in talaabadan ay qeyb ka tahay qorshahooda balaarinta shaqooyinkooda.

"Waxaan rajeynaynaa in duulimaadyadan cusub ay sarre u qaadi doonan shabakadeena," ayuu u sheegay wargeyska afka dheer ee Nile Post.

Sidda laga soo xigtay mas'uulkan, waxay kaloo qorsheynayaan in ay duulimaadyo ka bilaabaan magaalooyinka; Kinshasa, Zanzibar, Asmara, Hargeisa, Lusaka, Harare, Johannesburg Djibouti iyo Addis Ababa.

Uganda Airlines ayaa bartamihii sanadkan 2019 waxay muddo sanado ah kadib ay duulimaadyo toos ah ay ka bilowday Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegata in ay tahay dal madax banaan tan iyo 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed toostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay xudun u nooqtay tartanka diyaaradaha caalamiga ah, kuwaasi oo ay safka hore kaga jiraan; Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, Qatar Airways iyo kuwa kale.

Tani ayaa ka dambeysay markii dib u habeyn lagu sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan dhinacyadda ammaanka, goobta ay diyaaraduhu cago dhigtaan iyo shaqaalaha guud ee madaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM