Uganda Airlines oo duulimaadyo toos ah ka hirgelineysa Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland – Shirkadda Duulimaadyadda ee wadanka Uganda ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay duulimaadyo toos ah ay ka hirgelineyso magaaladda Hargeysa, caasimadda Somaliland.

Cornwell Muleya, madaxa shirkadaas, ayaa wuxuu tilmaamay in talaabadan ay qeyb ka tahay qorshahooda balaarinta shaqooyinkooda.

"Waxaan rajeynaynaa in duulimaadyadan cusub ay sarre u qaadi doonan shabakadeena," ayuu u sheegay wargeyska afka dheer ee Nile Post.

Sidda laga soo xigtay mas'uulkan, waxay kaloo qorsheynayaan in ay duulimaadyo ka bilaabaan magaalooyinka; Kinshasa, Zanzibar, Asmara, Hargeisa, Lusaka, Harare, Johannesburg Djibouti iyo Addis Ababa.

Uganda Airlines ayaa bartamihii sanadkan 2019 waxay muddo sanado ah kadib ay duulimaadyo toos ah ay ka bilowday Muqdisho, magaala madaxda Soomaaliya.

Somaliland ayaa sheegata in ay tahay dal madax banaan tan iyo 1991-dii, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul goboleed toostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay xudun u nooqtay tartanka diyaaradaha caalamiga ah, kuwaasi oo ay safka hore kaga jiraan; Turkish Airlines, Ethiopian Airlines, Qatar Airways iyo kuwa kale.

Tani ayaa ka dambeysay markii dib u habeyn lagu sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan dhinacyadda ammaanka, goobta ay diyaaraduhu cago dhigtaan iyo shaqaalaha guud ee madaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM