UK oo lacag ugu deeqay Somaliland xili DF dalbatay in laga joojiyo

Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Dowladda Ingiriiska ayaa iska indha tirtay baaqii xukuumada Federaalka ah ee Muqdisho ee ahaa in Beesha Caalamka aysan wax kaalmo dhaqaalo ah siinin maamulka gooni isku taaga ah ee Somaliland.

Codsiga dowladda Soomaaliya oo kasoo baxay Wasaaradda Qorsheynta ayaa sababta lagu sheegay in hadii ay sii socota kaalmaa Beesha caalamku siiyo maamulka Hargeysa ay kusii dhiiranayaa inay sii go'aan.

Harriett Baldwin, oo ah Xilldhibaan ka tirsan baarlamaanka UK iyo Wasiiru-dawlaha Bratian u qaabilsan qaaradda Afrika oo Axadii socdaal kusoo martay Somalilan ayaa la kulantey masuuliyiin uu Muus Biixi kamid yahay.

Lug kamid ah socdaalkeeda Soomaaliya, Baldwin waxay ku timid Muqdisho iyadda oo la kulentay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay isla soo qaadeen arrimo kala duwan oo xaaladda dalka quseysa.

Kulanka kadib, oo ay saxaafadda kula hadashay caasimada Hargeysa waxay sheegtay Baldwin inay lacag dhan 25 milyan oo lacagta Ingiriiska ah ay ku kabayaan Sanduuqa horumarinta Somaliland.

"Farxad bey ii tahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa, Waxa aan soo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland," ayey tiri.

Ujeedka lacagta oo ah wajiga labaad, ayey sheegtay Xilldhibaanadda inay ubixineyso UK si loogu soo waddo mashruucyadda socda, iyo in lagu kabo kaabayaasha dhaqaalaha ee maamulka Muuse Biixi.

"Halkaan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya illaa iyo haatan kama aysan soo hadlin lacagta ay London ugu yaboohdey maamulka Hargeysa, maadaama ay horey ugu baaqdey Beesha Caalamka in aanan taageero maaliyadeed la siinin.

"Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsana inaan bixino lacagtaasi," ayey kusoo xirtay hadalkeeda.

Talaabada Ingiriiska, oo kamid ah dalalka saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, qaadey ayaa waji gabax ku noqonaysa xukuumada Muqdisho xili codsigeeda uu sababey inuu god mugdi ah ku dhaco ifafaalo isu soo dhawaansho Somaliland iyo Soomaaliya oo muuqatey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM

Fanaanka Qamar Suugaani oo jirdil loogu geystay magaalada Hargeysa

Muuqaalo laga duubay weerarkii Jimcihii ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, taasoo dhalisay caro.

  • Somaliland

    04-01-2025

  • 10:46AM