Waddani oo ka baxay heshiiskii xisbiyadda Somaliland ee doorashada

Image

HARGEYSA, Somaliland - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa maanta oo Axad ah ka baxay heshiiska ay gaareen daraf-yadda siyaasadda.

Hogaamiyaha xisbigaasi, Xirsi Cali Xasan, ayaa shaaciyay go’aanka ka bixitaanka Axadiga oo lagu kordhin lahaa tiradda xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Xirsi oo wariyeyaasha la hadlay ayaa wuxuu ku eedeeyay xisbul xaakimka Kulmiye in uu ku xad-gudbay qodobo kamid ah heshiiska, wallow uusan fahfaahin ka bixin.

Talaabadan ayaa waxay imaaneysa iyadda oo la sheegay in Golaha Wakiiladda maamulkaasi ay Sabtidii diideen qabashada mooshinka heshiiska si ay u cod ugu qaadan.

Xisbiga talada haya ayaa wuxuu ku doodayaa in go’aanka xeer-dejinta "aanu ahayn khalad" balse uu qayb ka ahaa heshiiska kaasoo ka koobnaa sideed qodob.

Bishii July 28-keeda ayay ahayd markii axsaabta ay qalinka ku duugeen heshiiska oo lagu soo afjari lahaa is-maadhaaf hareeyay doorashooyinka Somaliland.

Beesha Caalamka gaar ahaan Midowga Yurub ayaa waxay kaalin ka cayaaray isu doo dhoweynta dhinacyadda, oo in muddo ah ku guuldareystay in ay is-xaliyaan.

Tiradda xubnaha guddiga doorashooyinka ayaa haatan waxay gaareysaa todoba xubnood, balse heshiiska wuxuu ka dhigayaa Sagaal xubnood, waase hadii la ansixiyo.

Ka bixitaanka Waddani ee heshiiska oo aysan wali ka fal-celin xisbiyadda kale ayaa waxaa la sheegayaa in ay tahay mid abuureysa dib u dhac u horleh.

Sikastaba, doorashooyinka baarlamaaniga iyo goleyaasha degaanka ayaa horey waxay u baaqdeen muddo lix jeer ah, waxaana laga digay dib u dhac kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM