Wasiiro ka tirsan Somaliland oo shaaciyey in laga helay Coronavirus

Image

HARGEYSA, Somaliland – Wasiirka Maalgashiga maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, Maxamed Axmed Cawad, ayaa wuxuu xaqiijiyey in laga helay safmareenka dilaaga ah ee Coronavirus.

Fariin uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku shaaciyey in xaaladiisu ay haatan tahay mid aad u wanaagsan.

"Waxaan sameeyey baadhitaanka caabuqa Covid19, jawaabtuna positive bay noqotay Xaaladayduna way fiican tahay. Wax xanuun ah oo aan dareemaya ma jirto Somaliland #COVID19," ayuu yiri.

Hadalka Cawad ayaa kusoo hagaagaya xilli Wasaaradda Caafimaadka ay beenisay in ay jiraan mas'uuliyiin laga baarey cudurka.

Cabdiwali Sheekh Cabdullaahi Suufi, wasiirka isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa dhankiisa u xaqiiijiyey warbaahinta maxaliga ah in uu kamid yahay labada wasiir ee laga helay xanuunka.

"Saaxiibadey kale oo aan isla soconay muddooyinkii u dambeeyay iyaguna waa la baarey, balse waa laga waayey, waxaa jira qaar kale oo galaya baaritaan kale," ayuu raaciyey hadalkiisa.

Xaaladaha fayruska Corona ee gudaha Somaliland ayaa waxay kor-u-dhaafayan 300, iyaddoo dhimashaduna ka badan tahay 20, dadka kasoo kabanaya cudurka waxay gaarayaan tobanaan bukaano ah.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay Guddiga ka hortagga Coronavirus in ay diideen baaritaan uu Hanti-dhowruhu ku sameeyo shaqadooda oo uu ku tilmaamay "mid si gaabis ah ku socota".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM