Wasiirada Somaliland oo la beeniyey inay ka shireen safarka Farmaajo

Image

HARGEYSA, Somaliland – Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayaa beenisay wararka xusaya in Golaha Wasiiradda maamulkaas ay ka shireen socdaalka madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed.

Jamaal Maxamed, xoghayaha wasiirada maamulka Hargeysa, oo qoraal soo dhigay Facebook, ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warkaas.

"Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland wax shir ah oo ku saabsan Imaatinka Farmaajo ee Hargeysa ma aysan yeelan," ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Warka baraha bulshada lagu qoray ee sheegaya in Goluhu shiray waa war aan sal iyo baartoonna lahayn oo aan waxba ka jirin".

"Muwaadiniinta Somaliland sidaas ha ula socdaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xoghaye Jamaal Maxamed.

Tani ayaa meesha ka saareysa sheegashooyinka ku saabsan in Wasiirada Somaliland ay ogolaadeen safarka Farmaajo iyo Abiy.

Saleebaan Gaal, afhayeenka Aqalka Odayaasha Somaliland, ayaa mar sii horeysay oo maanta ah ka dhawaajiyey in Abiy Axmed uu madaxdooda ku cadaadinayo in ay soo dhaweeyaan hogaamiyaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM