Xaalada magaalada Laascaanood oo gashay mar-xalad cusub

Image
Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Wakiilada Puntland ayaa isku-casilay "fashilka xukuumada Deni ee soo celinta gobolka Sool".

HARGEYSA, Somalilnad - Ciidamada Somaliland ayaa ka hayaamay magaalada Laascaanood kadib dagaal qaraar oo xalay ay gudaha xarunta gobolka Sool kula galeen dadka degaanka oo hubka qaatay.

Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyey in shacabka ay "isku balaariyeen" guud ahaan magaalada ayna dageen dufeesyaddii ay maalmo kahor diyaarsadeen ciidamadda maamulka Somaliland.

Khadka Internetka iyo Adeegga lacag labixida oo cunaqabateyn ay saarnayd 11-kii maalmood lasoo dhaafay ayaa dib u soo laabtey ka gadaal markii odayaasha dhaqanka iyo shacabka ay la fadhiisteen shirkadaha.

Taliska Ciidamadda Somaliland ayaa laga soo xigtey in ay askarta dib loogu celiyey xeryahoodii. Balse, ma sharaxin sababta ay mas'uuliyiinta maamulka uga carareen xarumahoodii shaqadda.

Dadwayne u dabaaldegaya bixitaanka ciidanka ayaa xalay waxay isugu soo baxeen bartamaha magaalada. Muuqaal aad ugu faafay baraha bulshadda ayaa muujiyey shacabka oo wata calanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo kamid ahaa Golaha Wakiiladda Puntland ayaa shaaca  dhigay in uu iska casilay xubinimadii baarlamaanka sababo ku aadan fashilka xukuuamdda Deni.

Mudanaha ayaa laga soo xigtey in uu la dareen-yahay bulshada magaalada Laascaanood. Xukuumadda Deni ayuu ku eedeeyay in ay ku guuldareysataysoo celinta dhulka gobalka Sool.

Dalmar ayaa golaha baarlamaanka Puntland ku matalayay magaalada Laascaanood. Sharci-dajiyaha ayaa la sheegay in uu horey uga mid ahaa dad u dhaawacmay iyagoo la dagaalamaya ciidamada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM

Cirro oo dib u eegaya heshiiskii Badda Muuse Biixi la galay Abiy Axmed

Dowladda Itoobiya ayaa hadda wadahadallo kula jirta dowladda Soomaaliya kadib heshiiskii Ankara, waxaana ay raadinaysaa marin badeed nabad ah.

  • Somaliland

    07-01-2025

  • 07:27AM