Xildhibaan Caan ahaa oo geeriyooday

Image

HARGEYSA, Somaliland - Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Hargeysa ku geeriyoodey Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamid ahaa Gollaha Wakiiladda maamulka Somaliland.

Allah ha u naxariistee Xildhibaanka ayaa mudooyinkii dambe xanuun aan la sheegin la jiifay Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, kaasi oo maanta uu ku dhintay, sida ay xaqiijiyeen qaar katirsan xubnaha qoyskiisa.

Marxuumka ayaa kamid ahaa Gollaha Wakiiladda Somaliland, isagoo kamid ahaa Xildhibaanada Xisbiga haya Talada [KULMIYE] ee laga soo doortay gobolka Maroodi-Jeex, gaar ahaan degmada Gibiley sanadkii 2005.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM