Xildhibaan hore oo lagu xiray Somaliland

Image

HARGEYSA, Somaliland - Booliska Somaliland ayaa Garoonka diyaaradaha Hargeysa ku xiray Xildhibaan hore oo ka yimid magaaladda Muqdisho.

Ibraahim Rayte ayaa looga shakiyay inuu ka qeybgalay doorashadii maalmo kahor ka dhacay Muqdisho, islamarkaana uu kamid ahaa ergadii afka duubtay ee Afisyooni ku doortay 11-ka Senator.

Rayte ayaa kasoo mid noqday Baarlamaankii ugu dambeeyay ee Somaliland, wuxuuna mudooyinkii dambe ku sugaa Caasimadda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sababta. 

Somaliland ayaa inta badan xirta dadka taageera midnimada Soomaaliya iyo kuwa booqda Muqdisho, maadaama ay horey u sheegtay inay ka go'day dalka, waxayna mudo 30 sano raadinaysa aqoonsi caalami ah.

Xildhibaanada matela gobollada waqooyi waxaa lagu doortaa Muqdisho, maadaama aysan tagi karin degaanada ay kasoo jeedaan cabsi ay ka qabaan in la xiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM