Biixi oo wadahadal kula jira sarkaal horey uga baxsadey maamulkiisa

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagu waramayaa in uu wadahadal la bilaabey Korneyl horey uga baxsadey maamulkiisa kaas oo ku sugan degaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Garowe Online ayaa fahansan in wada xaajoodyadda oo maraya meel fiican ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan beesha Korneyl Caare, iyadoo ay jiraan shuruudo lagu xirey in sarkaalkan uu joojiyo dagaalka uu kula jiro maamulkaas.

Caare iyo ciidamada uu wato ayaa ku sugan goob la yiraahdo Kulmiye oo buur ah halka xoogaga Somaliland ka fadhiyaan afaafka hore ee aagaasi.

Kulmiye ayaa ah tuulo ku taal meel ay adag tahay in la galo halka qaar ka tirsan ciidamadiisa ku sugan yihiin tuulada Carmaale.

Ciidamada Caare ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in maalintii shaley ay damceen iney ka soo baxaan Kulmiye una kacaan dhinaca xeebta balse waxaa ka horjoogsadey ciidamada Somaliland.

Shuruudaha Caare hordhigey maamulka Somaliland

Mareega GO oo si dhow ula socda wada hadaladda ayaa wuxuu helay shuruudaha ay wakiilada Korneyl Caare hordhigeen maamulka Muuse Biixi Cabdi.

Dalabyadda ayaa kala ah; in darajadiisa Jeneraal lagu howlgaliyo, in ciidamada uu wato la qarameeyo, in hubka ay wataan laga iibiyo iyo in lacag magdhow ah la siiyo taas oo cadad badan ah.

Muuse Biixi ayaa xogtaan sheegeysaa inuu qarka u saaran yahay in codsiyadaas fuliyo si uu u soo afjaro colaada kaga furan mamaulkiisa degaanadaas.

Caare ayaa ciidamada Somaliland ka goostay markii uu qayb ka noqdey colaado Sanaag ku dhexmaraya beelo wax dagan gobolkaasi oo bilihii lasoo dhaafayey dagaalamayey.

Dhinaca kale, Caare iyo ciidamada uu wato ayaa maamulkii Madaxweyne Gaas fariisimo ka siiyey degaano ku dhow Sanaag taas sida muuqata maamulka cusub ee Puntland go'aankaas wax ka badaley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM