Wadahadalkii ka socdey Garowe oo guuldaro ku dhamaadey

Image

July 14, 2015 (GO)- Wadahadalkii magaalada Garowe uga socdey dowlada federaalka, Puntland iyo Jubaland ayaa guuldaro kusoo dhamaadey kadib markii qodobadii Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid la diidey.

Kulankaan oo maanta dib la isugu soo noqdey ayaa guddiyadii ka socdey maamulka Puntland, Jubaland iyo Federaalka waxaa mid walba ku adkeysay qodobada ay soo bandhigeen.

Waftiga Ra'isal waasraha ayaa soo bandhigey in dowlada Puntland aqoonsato maamulka Gamudug oo ka koobnaan doona hal gobol iyo Bar halka ay wax ka badali doonaan Dastuurkooda oo sheeganaya degaano ka tirsan Puntland.

Dowlada Puntland ayaa dhinaceeda sheegtey ineysan sharciga waafaqsaneyn in hal gobol iyo bar loo aqoonsado maamul goboleed taasna macnaheeda noqneyso in Dastuurka federaalka gabi aantiisa meesha laga saaro.

Wararka ayaa sheegaya in waftiga Ra'isal waasaraha maalinta berri ah dib ugu noqonayaan magaalada Muqdisho iyagoo wada fariinta dowlada Puntland taasoo ku adkeysatey in Dastuurka Federaalka uu noqdo halka salka u noqn karta wadahadal la furma.

GAROWEONLINE

Related Articles

Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:42AM

Puntland: Xaalada maxaabiista gobolka Nugaal oo loo kuur-galay

Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:27AM